18/04/2026
Ganacsade Ilix Awcali ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu sagootinayay laguna maamuusayay Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee dalka Finland, Mudane Abdirashid Zuber.
Munaasabaddan oo ahayd mid muhiim ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaanad Qaali Ali Shire oo ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, Io qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale Urarka Dhalinyarada Ee Mustaqbal.
Ganacsade Ilix Owcali ayaa kulanka ka jeediyay hadallo dhiirrigelin ah, isagoo ku baaqay in la taageero hal-abuurka dhalinyarada iyo in la xoojiyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay is-faham, duco iyo rajo wanaagsan oo ku wajahan mustaqbalka wadajirka bulshada