Mohamed yuusuf abdillahi

Mohamed yuusuf abdillahi ASXEEBTA SOOMAALIYEED DHAMANTIINBA KUSOO DHOWADA PAGEKA RUN SHEEG FOLLOWDANA KU BOOBA SINA SHEERGAREEYA FADLAN

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in garsoore Cumar Cartan uu seego Koo...
09/06/2026

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in garsoore Cumar Cartan uu seego Koobka Adduunka 2026 kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka. Wasaaraddu waxay xustay inay dadaallo diblomaasiyadeed la samaysay Dowladda Maraykanka iyo FIFA, balse aan xal laga gaadhin arrinta. Sidoo kale, waxay ku ammaantay Cartan kartidiisa iyo guulaha uu gaadhay, iyadoo xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay suura gal noqon wayday dalaalkii ay samaysay ka dib markii Maraykanku dalkiisa ka ...
09/06/2026

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay suura gal noqon wayday dalaalkii ay samaysay ka dib markii Maraykanku dalkiisa ka celiyey Garsoore Onar Artan.

Ciidamada ammaanka ee Gobolka Togdheer ee Waqooyi Bari, oo kaashanaya hay’adaha nabadgelyada Gobolka Doolo ee Dowlad Dee...
09/06/2026

Ciidamada ammaanka ee Gobolka Togdheer ee Waqooyi Bari, oo kaashanaya hay’adaha nabadgelyada Gobolka Doolo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa maanta gacanta ku dhigay koox la sheegay inay u baxsatay dhinaca DDS, kuwaas oo markii dambe laga soo wareejiyey Ismaamulka Marqaan.

Wareejintan waxaa ka qayb galay Komishineerka Booliska Gobolka Doolo, Hoggaanka Nabadgelyada Degmada Bookh iyo Madaxa Xafiiska Maleeshiyaadka ee degmadaas, kuwaas oo kooxda si rasmi ah ugu wareejiyey Taliska Qaybta Booliska Gobolka Togdheer.

DEG DEG:Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in goobta codeynta aan lala gali karin wax mobile ah kadib cabashadii ay ...
09/06/2026

DEG DEG:Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in goobta codeynta aan lala gali karin wax mobile ah kadib cabashadii ay muujiyeen musharraxiinta

SAWIRO QAYBTA1AAD:  kulanka Wada Tashiga kor u qaadista Dakhliga Ee Xukumadda iyo Ganacsatada Waqooyi Bari.
08/06/2026

SAWIRO QAYBTA1AAD: kulanka Wada Tashiga kor u qaadista Dakhliga Ee Xukumadda iyo Ganacsatada Waqooyi Bari.

●Samiira oo loo yaqaanay (Shabeelka Mudug)-Doontii ay sarneyd oo kusii jeedo talyaaniga ayaa qalibantay bada dusheda taa...
08/06/2026

●Samiira oo loo yaqaanay (Shabeelka Mudug)

-Doontii ay sarneyd oo kusii jeedo talyaaniga ayaa qalibantay bada dusheda taas ugu damben sababtay dhimashada dadki saarna samira waxay kamid aheyd dadk doonta saarna dhimashada inta la xaqiijiyay waa 11 ruux halka 15 ruux kale la wayay ilaa hada meel ay jaan ay ku dhacen oo la raadinayo waxana laso badabadiyay 30 qof oo qarkood dhawacyo qabaan

●Qoyska shabeelka mudug ayaa ka walacsan gabdhoda oo marki ugu dambeysay ku tiri maanta ayaan bada galeynaa oon doonta raceynaa ee iso duceeya ilaa hada in ay geeritay ama la badbadiyah lama oga wax faahfahin ah ama sawiro lama hayo

_____Waxay qoysku codsanayaan in lala raadiyo gabdhooda haday nooshahay iyo haday geeritayba iyo hadi la weysanyahay waxay codsanayan in kurbada iyo walalka laga dajiyo oo xog saxan ka helaan balse dad badan ayaa durba sheegayo in samiira kamid noqotay dadka la wayay oo loo badinayo in ay dhinteen, Allah soo sahlo ayadoo nabad qabto an u duceyno walalyal..😭😭😭

-Dhalinteeni badihii bay la dhamanayaan Dalkeenaya Calooshod u shaqaystayaal baa dadka dhuunta u dagay😰😭🤲

08/06/2026

Ciidamada Iilaalada Kacaanka Iiraan oo gantaallo ku harqinaya saldhigyo iyo goobo xasaasi ah oo ku yaal gudaha !sraa'!!l

📌!sraa'!!l oo kaga jawaabtay weerarro xagga cirka ah oo lagu beegsaday Tehraan & magaalooyinka kale ee Iiraan

📌Xuutiyiinta oo dagaalka ku soo biiray

📌Mareykanku qayb ma ka yahay dagaalkan mise wuu ka gaabsaday? + warar kale

WARSAXAAFADEED: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan...
08/06/2026

WARSAXAAFADEED: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga kuna xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), isla markaana arkay in calanka iyo astaanta qaranka loo isticmaalo midabo kale duwan oo khaldan, laguna wareeray midka saxda, ayuu soo saaray warsaxaafadeedkan:

(1) Dhammaan Hay’adaha Dawladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo adeegsanaysa Calanka iyo Asataanta Qaranka waa inay isticmaalaan midabka rasmiga ah ee ku xusan Jadwalka Koowaad (A) iyo Jadwalka Koowaad (B) ee Dastuurka JFS, ayadoo midabka buluugga ah ee Calanka iyo Astaantu uu yahay (Hex Code: - RGB (Red, Green, Blue): (181, 215, 241).

(2) Sidoo kale, Heesta Qaranka Soomaaliya ee rasmiga ah oo dhammaystiran waa midda ku qoran Jadwalka Koowaad (C) ee Dastuurka JFS.

(3) Hay’addii ama masuuliyiintii si khaldan u adeegsada Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka.


(4) Dhammaan xafiisyada dawladda ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed waa inay adeegsadaan calanka, waana in la dhigaa xarumaha dawladda.

08/06/2026

Xuutiyiinta oo Badda Cas xiray, waxaan idiin soo tarjunay qudbada Afhayeenka Xuutiyiinta Yaman. Mohamed yuusuf abdillahi

Kooxda Xuutiy!!nta Yem*n ee ay taageerto !ran ayaa ku dhawaaqday inay mamnuuci doonaan maraakiibta xidhiidhka leh Israa’...
08/06/2026

Kooxda Xuutiy!!nta Yem*n ee ay taageerto !ran ayaa ku dhawaaqday inay mamnuuci doonaan maraakiibta xidhiidhka leh Israa’!!l inay maraan Badda Cas, iyaga oo sheegay in mar kale bartilmaameed u noqon doonaan weerarradooda.

Bayaan ay soo saareen, Xuutiy!!ntu waxay sidoo kale sheegeen inay weerarro ku qaadeen Israa’i!l, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin nooca ama goobta weerarradaas.

Badda Cas ayaa ah marin ganacsi oo aad muhiim ugu ah isu socodka maraakiibta caalamka, waxaana hanjabaadahan ay sare u qaadi karaan walaaca ku saabsan amniga maraakiibta iyo ganacsiga gobolka.

Hanjabaaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Israa’!il, Iran iyo kooxaha ay taageerto Tehran.

Address

Sool
Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed yuusuf abdillahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category