Eng cabdikaafi siciid

Eng cabdikaafi siciid Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Eng cabdikaafi siciid, Grocers, Puntiland garowe, Garoowe.

wa sax in laysla xisabtamoh
03/04/2026

wa sax in laysla xisabtamoh

Hanti-dhowrka Puntland ayaa masuuliinta cusub ee magacaaban faray inay soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah, dhinaca kale Hantidhowruhu wuxuu sheegay inuu xisaabinayo mas’uuliyiinta xilalka baneeyay.

25/03/2026

Soomaalida waxaa ku waajiba in ay Cimaamad saarto Hogaamiyaha Shacabka Mohamed Abdullahi Farmaajo, runtii waxuu ahaa Odey Soomaaliyeed oo ka shaqeeyo Midnimada Dalka.

25/03/2026

Xildhibaan Odowaa oo iska casilay Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

WAR-SAXAAFADEED:

Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Kala ra’ayi duwanaantaasi waxa ay salka ku haysaa qodobada soo socda:

1. In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda

2. ⁠Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.

3. ⁠Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.

4. Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

5. Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey.

Qodobbadaas, iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo aan ku kala aragti duwanaanay, ayaan maanta go’aansaday inaan siyaasadda ku kala baxno aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan siyaasad wadaag soo aheyn muddo dheer.

Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaan u rajeynayaa mustaqbal ummadeed oo ifaya.

18/03/2026

DEG DEG: Sucuudiga ayaa sheegay imaan la arag bisha Soon-fur, sida darteen berri waxa la dhameystirayaa bisha Soon-qaad, iyadoo ciidul fitri noqonayso Jimcaha.

17/03/2026
17/03/2026

Shuruudaha guulaystaha:

1- Si sax ah uga jawaab su’aasha.
2- Like garee page-ka Golis Telecom.
3- Like garee Post-ga
Guulaystuhu waxa uu noqonayaa qofka buuxiya shuruudaha kor ku xusan. Haddii hal qof in kabadan ay buuxiyaan shuruudaha, waxaa guulaystaha noqonaya qofka u horreeya ee ka jawaaba su'aasha.



golis baagayigeena isgaarsiin uwacnaatay ee qofwalbow hadagaar
17/03/2026

golis baagayigeena isgaarsiin uwacnaatay ee qofwalbow hadagaar

Shuruudaha guulaystaha:

1- Si sax ah uga jawaab su’aasha.
2- Like garee page-ka Golis Telecom.
3- Like garee Post-ga
Guulaystuhu waxa uu noqonayaa qofka buuxiya shuruudaha kor ku xusan. Haddii hal qof in kabadan ay buuxiyaan shuruudaha, waxaa guulaystaha noqonaya qofka u horreeya ee ka jawaaba su'aasha.



17/03/2026
17/03/2026

Address

Puntiland Garowe
Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng cabdikaafi siciid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category