Abwaan jugul yare1

Abwaan jugul yare1 good morning

Fiicanaa markaa dadkaaga u shaqaynayso
18/10/2024

Fiicanaa markaa dadkaaga u shaqaynayso

Wax bartaay barwaaqada adduun barasho weeyaaneBadiigay bashiiro adaan baab yar ku iraahdoIndhawayd bag geesiyo ma galin ...
15/04/2024

Wax bartaay barwaaqada adduun barasho weeyaane

Badiigay bashiiro adaan baab yar ku iraahdo
Indhawayd bag geesiyo ma galin baydki maansada
Buun buunin mayaa runtaa uga bareeraaye

Barashada tacliintaan u bogay baan u soo baxay
Barayaasha joogga iyo madaxda baandhaysa
burji waxay u leeyihiin aqoon badartan keediiye

Sahal buu bidhaansaday ninkii barasho raadshaaye
Public health digahayaan lagu barwaaqaye
Businesski iyo waxaa lagu hodmaa barakadiisiiye

28/03/2024

Suugaantu waa wacan tahay xumaan laga sifiiyaaye
sune iyo waxaan faral wax badan wada sajuudaayay

Soonkaan dhameeyiyo intaa saxayay towxiidka
Sumcad iyo intaa uumiyaha sadaqo siinaayay

Sadarada quraanka iyo intaa subaca qaadaayay
Sadexdii lasheegaba waxaa saab ugalinaayay (af,ib,il)

Sowdlaga xumaadiyo waxaa saxahayay weedhayda
Sinada iyo xumaatada waxaa saahid ka ahaaday

Si xun wax uma fiirshee intaa suuniyaha laabtay
Sakalaha wixii iga galee maanku yara seegay

Sixideeda eebow daan kaa sugahayaaye
Siiyada naftayna markii laga siibaayo

Seedaha markii laga baxshoo qaardanbaba suuro
Sanbabada markay joogto een sallow hinraagaayo

Sacadaa markay taagantay waa siloonahaye
Sacabada ayaan hoorsadaye taabada hayseejin

Sooyaanka dunida iyo markii suurka la afuufo
Saqara iyo markay guuxayaan naaro sulufaaday

Subxaano ilaahow adaan saabirkuu haye
Silic iyo dharaartaas allow iga salaame!!!!

27/02/2024
27/12/2023
27/12/2023

Dan buu leeyaa la’yiri
Dad buu u soc daa la’yiri
Digtooni horaa la’yiri
Diir waa qolof baa la’yiri
Daylaa sumanlaa la’yiri
Daruur tanda’daa la’yiri
Dudubo ciid baa la’yiri
Deelqaaf qalad baa la’yiri

Dadkii kacay baa la’yiri
Daraawiish baa la’yiri
Dowladi hanataa la’yiri
Dantooda gartaa la’yiri
Duciyo Sharaf baa la’yiri
Dadaal badan baa la’yiri
Diyaarad kacdaa la’yiri
Da,deena fil baa la’yiri

Duqow taliyaa la’yiri
Ducada badiyaa la’yiri
Da,yarta boodaa la’yiri
Dagaal gala baa la’yiri
Danleyda eryaa la’yiri
Dantaa garo baa la’yiri
Dagaal dhacay baa la’yiri
Dabroo xajiyaa la’yiri

Dumaa caws baa la’yiri
Dureemo hurtaa la’yiri
Daruur ku da,daa la’yiri
Dalawo gura taa la’yiri
Dararna caanaa la’yiri
Danbeed buuxaa la’yiri
Doobiga kulis baa la’yiri
Dabeeto dhanbaa la’yiri

Dabuub hadal baa la’yiri
Dibnana bishimaa la’yiri
Durduro orad baa la’yiri
Dangeegso hurdaa la’yiri
Dalaayad harkaa la’yiri
Damalna qurac baa la’yiri
Dirmana gogol baa la’yiri
Dabayl,na ruxdaa la’yiri

Darmaan geenyaa la’yiri
Darmane sumankaa la’yiri
Dalaan daliyaa la’yiri
Dun,mara gabdhaa la’yiri
Daadah ilmahaa la’yiri
Danbiga diidaa la’yiri
Diintaa nafartaa la’yiri
Dugaal sada baa la’yiri

Dalkaa nabadaa la’yiri
Dagaal majiraa la’yiri
Duqiiyeel baa la’yiri
Dantiis garay baa la’yiri
Dadkii farax baa la’yiri
Dayntii cafis baa la’yiri
Diqdii furan baa la’yiri

Curiye abwaan jugul yare

1)   Qaran been ah wuxuu sheegtaba quusay oo Samir dheh2)   Qabkii laguma oga iyo hadeer kor isku qaadkii dheh3)   Qarow...
26/09/2023

1) Qaran been ah wuxuu sheegtaba quusay oo Samir dheh
2) Qabkii laguma oga iyo hadeer kor isku qaadkii dheh
3) Qarow waxaan ahayn maleh duqii qaatimayn jiray dheh
4) Qalabkii siday ula hareen qalasyadii ooy dheh
5) Qandho jabin wixii aan ahayn qaadan kari waa dheh
7) Qadan qaran sideedii afkii qaylo kala qaad dheh
8) Qaflad iyo dhib buu galay hadana qiil u bixi waa dheh
9) Qooma,luuyadii iyo u cabay qulubki shaydaan dheh
10) Qaabilay kufriga inuu dhahana talo ku qaansee dheh
11) Qodhob iyo quuje goortuu maqlaba qaadan kari waa dheh
12) Qarfihii u orod oo ka carar dhulkii qaaliga ahaa dheh
13) Qasriyada ma galo hurdana qaadan kari waa dheh
14) Qaluubtuu ka taahaa jirkuna waa qandhanayaa dheh
15) Qowlkii garadadu haddeer qoomamo dile dheh
16) Qurac wayn sidii sii wajiga qolof ka soo fuul dheh
17) Qudun quuto waydiyo afkii qori ka dheeree dheh
18) Qalfoofkii harana tuur oo hadeer qaaday kuwo nool dheh

Curiye abwaan jugul yare

Address

Israac
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan jugul yare1 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category