23/07/2023
"JACAYLKU DAACAD IYO HADII UU HELO DARYEEL MA DUGOOBEE OGAW" Waa sheekadii iyo maansadii ka dhalatay dhacdo jacayl gabnoobay oo ahayd sida tan;
Waxay ahayd 7;30 habeenimo aniga oo socdaal caafimaad ku tagey magaalada Addis ababa, halkaas oo aan si kadisa ula kulmay saaxiibkay Deeq oo ahaa wiil dhalinyaro ahaa ,oo farxaana laguna asteeyo furfurnaan, iyo waji hillac,
hasayeeshee waxa deeq bariinsaday oo bahdii iyo barkii kala baxay kalgacal facwayn oo ku fogaaday dhaamaan feedhaha iyo waxaayaha jidhkoo idil, taasna waxa sababay jacayl dhiiranaa oo si kal iyo laab ah loogu qaabilay kalsooni badan oo niyad sami ku dheehantahay, waxaana caashaqaa ku abuurmay oo sida midhaha geedaha ku abqaalay kuna beeray gabadh la yidhaah ifraax, gabadhaasi oo sida waqalka uga heelaacday wadnihiisa bidix, horaa loo yidhi
“JACAYLKU DAACAD IYO HADDII UU HELO DARYEEL MA DUUGOOBEE OGAW”.
Ifraax xiligaa waxay deeq u muujisay dabacsanaan iyo dareen, iyo xushmad wayn, dabadeed deeqna waxa uu u muujiyay gabaadhaa , dareen naxaaris, taas oo labadaba fagaaraha aakhyaarta looga yaqaanay mataanihii jacaylka,waxaana dhex yaalay miisaan jacayl oo xaqsooran, labaadaa qof oo isku indho kuulan jiray waxaanay ahaayeen ,
dhaayo iyo aragood, dhoola iyo qosolkood ,laf iyo dhuuxeed,
waayo waxay ahaayeen ul iyo diirkeed,,Deeq waxa uu jacaylku ku kalifay in uu naftiisa u hibeeyo ifraax una huro maankiisa iyo maskaxdiisa, taa dhigeedana ifraax ayaan dabyar shideyn oo keentay heer ilaa cuntada ay cunayaan ka dhigtaan isku mid.
Oo si kaftan kalgacayl ku dheehanyahay isku su,aala , manta ama caawa caloosheenu waa mid, sidaa darted aan anfaco isku mida quudano ee maxaad cunaysaa caawa, waliba xiliyada ay waqti kulan isku helaan, waxay ahaayeen laba qof oo labiska ama huga oo qudha ku kala duwan , dhar ahaan, balse muuqa iyo midabka iskaga mid ah, jacaylkaa gaaxday ee heerkaa halista ah gaadhay, ee hadii ayna is arag saacad midba dhibta uu dareemayo, dhalan gadiyayso ka kale.