09/10/2022
Abwaan mowliid Abdi
✍✍✍✍✍✍✍✍
qofyahow ha tasoobine
Ka tasho maantaboo
U is taag orimarkaaga
Qaado qalinkiyo tacliintoo
Talada rabigaa u dhiibo,
Socodkuba waa talaabee
Ugadgad meeshaad tabayso
Tartan gali naftaadoo
Wacdigiyo talooyinka weelee
Sidaad guulahaaga u tiriso,
Totob soo hilaaciyo
Tuska roobku inuu kuu da'o
Oo aad midho ka tacabtaa
Wa inaad salaada tukatiyo
Tasxiida rabigaa laa simtaa,
Badanaa saaxiib aad tirsanayso
mar walba taftaada seexinaysoo
Sagu jacel inuu nolosha kaa tiro
Inuu wakhtigu ku turantureeyiyo
Raba inuu tiif kaa arko,
Mid aad sharaf ugu is taagtoo
Sagu xume kugu tuhmaayoo
Tiraanyo kugu beerayaa jira,
Qofyahow kii libin taada tiraaya
Inba xantaada tabinaaya
dar.alla ba uga tagoo udaa
samir tuurta saaro