apdihakim ibrahim

apdihakim ibrahim halkani waa bage ka runta
ee abdihakim media

25/12/2024

ka dalbo macmiil dhar caruur

WARAYSIGII MADAXWEYNAHA HALKAN KA AKHRI...Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyay in...
22/09/2024

WARAYSIGII MADAXWEYNAHA HALKAN KA AKHRI...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyay in ay Somaliland iyo Itoobiya ka go'an tahay meelmarinta heshiiskii isfaham ee labada dhinac isku waafajiyeen masaalixdooda kala duwan. Waxaannu caddeeyay in heshiiskaasi fuli doono, balse aanu xusayn taariikhda la hirgelin doono.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaasi ku iftiimiyay waraysi uu siiyay Telefishanka Al Carabiya ee laga leeyahay Khaliijka carabta oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee SOLNA, waxaanu madaxweynuhu caddeeyay in Somaliland ay heli doonto aqoonsi caalami ah muddadu ha dheeraato ama ha dhowaatee.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu xusay in heshiiskaasi uu yahay mid faa'iido dhaqaale u soo kordhinaya geeska Afrika, isla markaana uu dhigayo in Itoobiya aqoonsato madaxbannanida Somaliland iyagana laga kireeyo saldhig millatari oo badda ah.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu intaas ku daray in heshiiskaasi yahay masaalix wadaag.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in bulshada Somaliland iyo siyaasiyiintooduba ay taageersan yihiin heshiiska dhex maray dalkooda iyo Itoobiya oo ay u arkaan inuu la xidhiidho mustsqabalka Somaliland.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dal oo midoobay sannadkii 1960 isla markaana uu burburay midowgaasi, markii uu 31 sanno jiray oo ay dhaceen dagaalo dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ka warramay in waxgaradka Somaliland oo dhammi ay iskugu yimaadeen shir aayo ka tashi sannadkii 1991kii oo ay dib ula soo noqdeen madaxbannaanidii Somaliland. Waxaanu ku dooday in JSL lagu dhisay rabitaanka shacbiga oo ku adag xornimadooda.

Md. Muuse Biixi wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haysato aqoobsiga dalalka jaamacada Carabta oo uu carabka ku dhuftay in aanay waxba weydiinin Somaliland, hase ahaatee ay ka hadlaan warbaahinta iyagoo leh "Somaliland lama aqoonsana."

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu carabka ku dhuftay inay Somaliland 30 ilaa 40kii sanno ee la soo dhaafay u halgamaysay xornimadeeda, waxaanu xaqiijiyay in xeebta Somaliland ay ka caagan tahay budhcad baddeed iyo argagixiso, halka Soomaaliya ay ka jiraan Alshabaab iyo Daacish.

Madaxweynuhu wuxuu ballan-qaaday in Somaliland ay la dagaalami doonto, haddii Soomaaliya soo weerarto.

Madaxweyne Biixi wuxuu Telefishanka Al Carabiya u sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya aanay dib isugu noqon doonin oo mid waliba qaaday waddadiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi oo la weydiiyay sababta ay Somaliland u xidhay Maktabadii Masaarida, wuxuu sheegay in madaxweynaha Masar uu ku andacoodo in uu soo celinayo wax uu ugu yeedhay "midnimada Soomaaliya" taasi oo ku dooday in Cabdifataax Siisi la weydiiyo halka uu ku arkay Soomaalida middaysan.

Ugu dambayn, Madaxweynaha JSL wuxuu sheegay in xilligan la joogo wakhtigii doorashooyinka laga qaban lahaa dalka, maadaama oo shantii sanno ee la doortay isaga ay dhammaadeen oo muddo laba sannadood ah ay muddo dhaaftay doorashada madaxtinimadu. Waxaanu rejo ka muujiyay in doorashooyinka muddaysan 13ka November 2024 ay ku qabsoomi doonaan si nabadgelyo ah oo dadweynuhu wax ku doiran doonaan rabitaankooda.

Maxay thay  aqoonta lagu xanto  gobolka awdal
19/09/2024

Maxay thay aqoonta lagu xanto gobolka awdal

Iam back apdihakim ibrahim
05/09/2024

Iam back
apdihakim ibrahim

Address

Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when apdihakim ibrahim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category