16/04/2024
🌹🌹WAA XIKMADO QIIMO LEH 🌹🌹
" Noqo qof wanaagsan oo loo duceeyo xili walba iyo xaalad kasta maxaa yeeley ducadu waxay kaa xijaabtaa balaayo kugu soo socotey waxay furtaa albaabo kaa xidhmay.
" Ducada waalidka oo la badsado waxay kugu kaalmeynaysaa raali ahaanshaha Alle iyo libaanta laba daaroodba"
" Aduunyadu ha kuu noqoto dariiqaad u mari lahayd aakhridaada wanaagsan ee baaqigaa balse yaaney noqon ku sii sugii aakhiradaada xun."
"Noqo qof ka aamusan, kana dhagala xumaha iyo fisqiga dadka intooda badani ku dhex jiraan balse marnaba ha ka aamusin wax ka sheegida iyo jeesjeesida diintaada sharafta leh."
"Daacad noqo xiliga lagu dulmiyo, dulqaad yeelo xiliga lagaa gardaran yahay, naxariiso yeelo xiligaad qof caawinayso samir yeelo xiligaad hawl hayso "
"Ha faafin ceebaha iyo siraha lagagu qarsado maxaa yeelay waxaad haysaa amaano sanduuqaaga ku jirta markaa ha noqon tuugii sanduuqii loo dhiibey xaday."
"Ahoow ruux ka saahida noloshan aduunyada iyo dhaldhalaalkeedaba sahaydiisana sii siyaadsada xili kasta oo uu safarkiisu dhamaad ku sii dhawyahay ".
Muuqaalkaaga qofeed iyo awooda fikirkaagu waa laba aan marnaba isleekan karin hadii aad tahay maskax-maal, maan-tuujis, garaad culle, aqoonta iyo khibrada raadsha, daydaya, baadi gooba" .
"" Rajo inaad lahaataa waa mid laga maar maan u ah hadafka noloshaada balse inaad rumeeyso rajadaada ayaa ah inaad guuleysato "".
" Ku kalsoonow oo ku qanac waxa uu ilaahay ku siiyay, hana damcin wax qof kale haysto, sabtoo ah adiguba waxa aad haysataa waxyaabo aanu haysan qofkaa kale ee noqo ruux qanaaco leh."
Ha walwalin hana calaacalin markay xaaladi kugu adkaato balse ogsoonoow inuu jiro qof la xarbanaaya waayitaanka wixii noloshiisa ugu qaalisanaa oo ah naftiisa.
"Waxa ugu qiimaha sareeya hadana Lacag iyo hanti badan lagu kasban ee qofka muslimkaa yeeshaa waa in uu noqdo qofku mid akhlaaq wanaagsan iyo Alle kacabsi leh."