26/10/2026
Asc Hon. Mohamed Subey,
Aniga ma ihi qof qabiil gaar ah ku taageersan. Anigu Rer Kassim, Rer Harun, Rer Maxad midna kuma taageero magac reer ahaan. Waxaan taageersanahay FAFI.
Waxaan kugu arkaa Hon Subey, wax aanan ku arkin musharaxiintii kale - waxaan kugu arkaa MUSTAQBALKEENNA IYO AAYAHA FAFI.
Waxaan ku arkaa qof fahmaya micnaha biyo la'aanta - hooyada Bura u socota 10km biyo u raadinaysa. Waxaan ku arkaa qof fahmaya micnaha waxbarasho la'aanta - ilmaha Fafi oo aan iskuul lahayn. Waxaan ku arkaa qof fahmaya micnaha shaqo la'aanta - dhalinyarada Fafi oo jaamacad dhammaysay laakiin shaqo la'aan ah.
Anigu ma rabo sheeko 140M ah oo ay CDA dhistay haddana dadku harraadsan yihiin. Anigu waxaan rabaa hoggaamiye dadka la jooga, dadka dhageysta, dadka u adeega.
Hon Subey, shacabka Fafi wax badan ayay kaa rajeynayaan:
1. Biyo nadiif ah oo guriga laga cabo
2. Iskuulo tayo leh oo caruurteennu wax ku bartaan
3. Shaqooyin dhalinyarada loo abuurayo
4. Nabad iyo midnimo beelaha Fafi oo dhan
Ogow, taageeradaydu waa waxan ka dhax arko iyo waxan ka rajeyno anigo ah muwaa'Din faafi ah
Hon Muhumed Subey MP FAFI 2027