24/04/2022
👉 .
1.QIBLADAA UJEESANAYSAA
2. ISTAAG
3. NIYO ayaad la,imaanaysaa.
4- Fiiri dhulka (halka ku beegan sujuudaada Salaada oo dhan ilaa Waqtiga ATAXIYAATKA Maahe Waqtigaas waxaad fiirinaysaa Farta la taago bilow ilaa dhamaadka ATAXIYAATKA.
5.Takbiir ALLAHU AKBAR .
IMISA XILI BAA GACMAHA KOR LOO QAADAA?
J- Afar - 4 Xili
1-Xirashada 2- Rukuucda 3-Xiliga Rukuucda laga soo noqonayo 4- Rakcada 3 xiliga la bilaabayo oo laga soo noqonayo ATAXIYAATKA KOOWAAD.
QAABKEE KOR LOO KUGU QAADAA ?
ALLAHU AKBAR Baad oranaysaa adoo kor usoo qaadayo Gacmahaaga Adigoo Farahaada isku dhajin si lamid ah adigoo aad u kala dhaqaajin ,Calaacasha Gacmaha u jedi Qiblada adigoo la simayo garbahaada ama dhagahaada Xiliga Xirashada waxaa ku siyaadinee gacantaada midig baa korsaari gacantaad bidix korkeeda Adigoo xabadka korkiisa Saaraya gacmaha .
6-Ducada:
Kadib intaadan faataxada bilaabin baa waxaad aqrin
--Ducada salaada lagu furfurto waxaad oran ducadaan ama ducooyinka kale ee salaada lagu furfurto ee soo arooray tii kuu Fudud (Waxaad ka heli XUSNUL MUSLIMKA .
اللَّهمَّ باعِدْ بَيْني وبَيْن خَطايايَ كما باعَدْتَ بَيْنَ المشرِقِ والمغرِبِ اللَّهمَّ نقِّني مِن الخَطايا كما يُنقَّى الثَّوبُ الأبيضُ مِن الدَّنَسِ اللَّهمَّ اغسِلْني مِن خَطايايَ بالماءِ والثَّلجِ والبَرَدِ
7- Cuudu bilayso oo sheydaanka iska naar
اعوذ بالله من الشيطان الرجيم
8- bisinkaad aqrini
بسم الله الرحمن الرحيم
‘Kadib suuratul Faatixa baad aqrin, kadib waxaad Raacinaysaa wixii kuu fududaado oo Qur’anka ka mid ah .
9-Rukuuc:
- waad rukuuci dhabarkaada sifiican baa u toosin gacmaahagana lowyayada/Jilbahaada dushoodaad kuqaban adigoo Farahaada kala dhaqaajinayo kadib waxaad oran rukuucda dhaxdeeda (3jeeer)
سبحان ربي العظيم
10- Kasoo toosida Rukuucda kadib
markaad rukuucada kasoo Kacaysid waxaad oran
سمع الله لمن حمده
Intaa markaa dhahdid oo aad si qumaati ah u istaag adigoi Gacmahaaga kor u qaadaya “Sidii xirashadii oo kale"
Kadib dheh
ربنا ولك الحمد، حمداً كثيراً طيباً مباركاً فيه
11. Sujuud
Kadib waa sujuudi adoo allahu akbar dhahayo, xubna 7 ah baad kasujuudaysaa
waxaad dhulka dhigeysaa Wajiga iyo Sanka oo wada socdo, 2da calaacalood, 2da jilbood, faraha 2da lugood.
-Faraha Gacmaha waad isku dhajinaysaa
faraha cagahana horay usoo qaloocinaya inta kale iyadoo taagan waxaad qaabilsiinaysaa qiblada,Kadib waxaad dhahaysaa (3 jeer). سبحان ربي الأعلى
12:Qucuuud/Fadhiiso:
Sujuuda kadib, si qumaati ah u fariiso, adoo dhahayo
الله أكبر
Waad fadhiisanaysaa adoo lugtaada bidix kufadhiisanayo lugta midigna taagayo faraha cagahana horay usoo qaloocinaya ,kadib waxaad aqrinaysaa ducadaan
رب اغفر لي ، رب اغفر لي، رب اغفر لي.
AMA Sidookale tan aqriso.
اللهم اغفر لي وارحمني واجبرني وعافني وارفعني واهدني وعافني وارزقني .
13.SUJUUDII 2
Kadib sujuudii 2aad baad aadi adoo oranyo Allahu AKBAR .
14.Qucuud/ Fadhiiso :
in yar ku hako fadhiga Nabiga Scw baa sidaa samayn jidhay oo h**e k**a Uusan istaagi jidhin .
Qaabkee loo fadhiista?
Fadhiga labada sujuud dhexdood, Fadhiga nasiinada yar & ATAXIYAATKA Kowaad
• Dhammaan fadhiyada salaadda waxaa ajar badan in loo fariisto sidaasi, marka laga reebo at-tixiyaadka dambe, Sawirka 2 ee kuu muuqda weyaan.
• Xiliga ATAXIYAATKA WAXAAD FIIRINAYSAA FARTAADA
• Qaabka aad ufadhiisanaysid ataxyaatka udanbeeyo waa lugtaada midig ayaad taagaysaa lugtaada bidixna lugta midig hoosteedaa kasoosaaraysaa, kadib sinta bidix baad kufadhiisan, Sida Sawirka oo kale
التحيات لله والصلوات والطيبات، السلام عليك أيها النبي ورحمة الله وبركاته، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد أن محمدا عبده ورسوله.»
«اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، في العالمين إنك حميد مجيد.»
Haday tahay salaada markaas aad tukanaysid salaadaha afar afarta ah ama sadaxsadaxda ah waad kici adoo oranayo الله أكبر oo Gacmaha kor u qaadayo sidii xirashadii oo kale ..
Kadib wixii kuu haray baad dhamaystiraysaa, kadib waxad ufadhiisan ATAXIYAATKII ugu danbeeyay.
ATAXIYAATKA udanbeeyo waxaad aqrin ataxyaatkoo dhamaystiran oo waxaad kudarsankartaa wixii kalo aad alle weydiisanaysid oo duco ah.
التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللَّهِ وَبَرَكَاتُهُ السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللَّهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ. اللَّهُمَّ صَلِّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ كَمَا صَلَّيْتَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ وَعَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ ، اللَّهُمَّ بَارِكْ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ كَمَا بَارَكْتَ عَلَى إِبْرَاهِيمَ وَعَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ.»،
«اللَّهُمَّ إنِّي أَعُوذُ بِكَ مِن عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ القَبْرِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَحْيَا وَالْمَمَاتِ، وَمِنْ شَرِّ فِتْنَةِ المَسِيحِ الدَّجَّالِ»
Intaa kadib
Kadib waad salaama naqsan adoo dhankaad midig kubilaabayo
• Dumar hadii aad tahay waxaa waajib kugu ah in aad jirkaada daboosho.
👉ARKAANTA SALAADA:
Salaada waxay leedahay tiirar aysan salaadda dhamaystirmeenin ayada maahane, salaadana aysan ansax aynan noqonayn.
Tiirarakaas maxay yihiiin?
• Qiblada
1. NIYADA afka kagama dhawaaqaysid ee waa qalbiga.
2. ALLAHU AKBAR (Takbiiratul ixraam) allahu akbar inaad dhahdid waxaa udaliil ah qowlkii nabiga salallahu calayhi wasalam uu yiri
إذا قمت إلى الصلاة فكبر
Markaad salaada u istaagtid Allahu akbar dheh
3. ISTAAGID qofka tukanayo waxaa waajib ku ah markuu tukanayo inuu istaago haduu awoodo hadalkii nabiga udaliil ah uu nabiga uu ku yiri saxaabigii ladhihi jiray CIMRAAN BINU XUSAYN
(TUKO ADOO TAAGAN)
4. SUURATUL FAATIXA AQRINTEEDA inaad aqrisid suuratul faatixa rakcad kaste waa tiir kamida tiirarka salaada.
Nabiga salallahu calayhi wasalam wuxuu yiri
لا صلاة لمن لم يقرأ بفاتحة الكتاب
SALAAD UMA JIRTO QOFAANAN AQRIN SUURATUL FAATIXA
5. RUKUUCDA IYO INAAD KUXASISHID RUKUUCDA
Nabiga salallahu calayhi wasalam wuxuu yiri asagoo barayo oo lahadlayo saxaabigii hortiisa kutukanayay oo aanan hagaajin salaadiisa ayaa wuxuu kuyiri
ثم اركع حتي تطمئنّ راكعاً
KADIB RAKUUC ILAA AAD KAXASISHID XAALA AAD TAHAY MID RUKUUCSAN
6. INAAD ISTAAGA KUXASISHID ISTOOSISIDNA MARKAAD RUKUUCDA KASOO KACDID KADIB
Waa tiir kamid ah tiirarka salaaada
ثم ارفع حتي تعدل قائما
KADIB KOR USOO KAC ILAA AAD ISTAAGA KAGA XASISHID
7. SUJUUDA IYO INAAD KUXASISHID
8. FADHIGA UDHAXEEYO 2DA SUJUUDOOD IYO IN LAGU XASILO
9. ATAXIYAATKA
10. SALAAMA NAQSI
11. TARTIIB say ukala h**eeyaan inaad ukala hormarisid tiirarkaas.
BARAARUJIN:
1.Xiliga ATAXIYAADKA Farta murugsatada ah oo lataago labada ATTAXIYAAT bilaaw ilaa laga dhamaad Adigoo fiirinayo fartaa.
• Sifiican u aqri ama u dhagayso Wixii aad fahmi waydana nasoo waydii Ehelada & Asxaabta ugudbi Shukran.