Khadar sh cali garaad

Khadar sh cali garaad Abdi

10/03/2026

Dharkii Ciidda.

Qoyskii h**e ee agoomaha ahaa lacagtad dirteen ka sokow, waxaa jira walaal muxsin oo Marayka ku sugan oo bixinaya wixii ciida ku baxaya oo dhan. Qoyskaas wuu inaga dhamaaday. U soo duceeya walaalkas Qurba jooga ah.

Qoyska labaad ee aynu galayno waa qoys ka kooban 7 carruur ah. 3 kamid ah waa kuwo arraga naafo ka ah. Waana carruur agoomo ah.
Waxaan u baahanahay in aad iyaga ka farxisaan sidda aad carrurtina uga farxinaysaan.

Lambarka lagu dirrayo: 0939197505
Magaca Ebir: Xadiis Xaashi Axmed.

Qof walbaw Share-garee. Inaad faafiso, waxay la khayr tahay adigoo wax la baxay. Qof wax la baxa ayad gaadhsiin kartaa.

18/02/2026

Waa macalin Quraan arday ku haysta Baydhabo. Horrey waxaa usoo martay qiso xannun badan. Xaskiisii ayaa laga kufsaday oo la dilay. Raggii dilay in loo qisaaso ayuu doortay. Arrintas darteed tolkiisa way ku colaadiyen. Isaguna wuxuu dhahay Naafo ayaan ahay cidna gabadh kale ima siinaysee halay qisaaso.

Dugsiga meel ka fog ayuu arroor walba kasoo lugeeya. Wariyayaal, deriiskisa iyo isagaba maalmo kahor ayaan is waraysanay.

Wuxuu doonnaya gaadhiga Naafada ee is wadda. Ma doonnayo lacag loo g**o. Kaliya gaadhi uu madarasada ku gaadho ayuu rabaa. Qof gaadhi ballan-qaaday, wali lagama hayo.

Hal gannacsade oo macalin quraankan gaadhi ku sadaqaysta Bisha Ramadana ka ducaysta ayaa la rabaa. Hargeysa,Jigjiga ama Muqdisho meeshii la rabo gaadhi waa laga diri karaa. Jigjiga wuxuu ka jooga KUN DOLAR.
Fariintan u share- garee, intaasiba waa sadaqo.

24/01/2026
08/01/2026

WAR FICAN!

Maamulka Degmada Dhagaxmadaw ayaa aabihii masiibadu qabsatay ugu deeqay 200,000 Bir. Ganacsade ayaa isaguna 50,000 bixiyay, masuul kalr ayaa isaguna 50,000 ku deeqay. Lacagaha kale ee daqiiqadaha gaadhay ayaa ah 50,000.

35 daqiiqo gudahood waxaynu maraynaa 350,000 Bir. Waa hal dalool kamid ah lacagtii aan rabnay.

Lambarkiisa: 0992100110
Magaca: Daud Maxmed Shaakir

Qof walbaw Share-garee, waxay sababi kartaa in cid walba gaadho fariimtisu. Ma jirto masiibo ka wayn in halmar 110 neef kaa dhamaadan oo aad xoolo beesho.

Boqol boqolka qof walba ha diro. Markay isku tagto lacag badan ayay noqon doontaa.

Qof walbaw Share-garee, waxay sababi kartaa in cid walba gaadho fariimtisu.

08/10/2025

Hooyadan oo muuqal iga ilmeysiiyay duubtay ayaan daawadatay. Waxay joogta Higlooley.

Waxay tidhi: "Annigu naafo ayaan ahay. Biyo ayaan waayay oo aan reeraha u soo doontay. Laba habbeen dab maanan shidan. Curradkaygii oo xannuunsan ayaa ii yaalla. Kii kuxigay ayaa shaqayn jiroo wuu dhawacmay laba bilood ma shaqayso. Ulaha ii yaalla Guriga wax lagu dhisaa la waayay. Anniga iyo caruurtii wiilka oo aan hooyo lahayn ayaa wada joogna. Aad-baan u raafsanahay. Barkad ma lihi, oo Suuli ma lihi. "

Lambar malaha reerku, laakin lambarkan oo aamin ayaa laga caawin karaa: 0915183982 ,Khadar Xasan Muumin, ayaa ku qoran.

Hadii aad uu fariintan Share-gareeyo, waxaad sabab u noqon kartaa in qof taagera ay gaadho. Ha ka hagran, wixii aad awoodo.

Kkkkkkk
30/09/2025

Kkkkkkk

12/09/2025
24/08/2025

WAR FIICAN:
Odaygii Dhimirka ka xannuunsanaa ee odaygii kale hayayna Faallugu ku dhacay, walaal Muxsina oo marar badana khayrka ka qayb qaata ayaa lacagta Cilaajka ka bixinaya. Sannadkii oo noqonaya 180K Birr ayuu ka shubayaa.
Waa Aabe ree Jaraaqato, Jigjiga wada garanayaan, oo ilmihiisa xitaa h**ey uga dhintay isla xannuunkan. Walaal kiisii hayay oo isaguna duruufaysnaa ayaa dhulka yaalla. Lacago kale oo 50k ah way gaadheen.

Cidii caawin karta haku dirto lambarka hoose oo uu leeyahay odayga walaalkiisa xannuunsan. 5k qof hadii min 100bir kaliya diraan waa Haaf Milyan. Ka qayb qaata, si odayga kalee xannuunsan laftiisa loo geeyo Dakhtar.

Cidkasta wixii ay awoodo ha ugu dirto lambarka: 0932005560 (Ebir: Maxamed Yusuf Cusmaan)

Wiilka walaalkena ee odayga lacagta ka shubayna usoo duceeya. Waa shaqsi mar walba heegan ah.

Address

Abdikhadar3232@gmail. Com
Addis Ababa
ROOM

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadar sh cali garaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Khadar sh cali garaad:

Share

Category