13/03/2026
Haddii aad isleedahay Iskuul diid ayaad aheyd bal sheekadan ila akhri. Arday Ciraaqi ah ayaa muran ka dhaliyay baraha bulshada kadib markii uu khariida iskuulkiisa ku beddelay ‘saldhig Mareykan ah’ isla markaana uu ka codsaday Iiraan in ay duqeyso oo aanu iskuul aheyn goontaan.
wuxuu leeyahay: “Asalaamu calaykum, kani waa saldhig Mareykan ah oo iska dhigaya iskuul la yiraahdo Al-Razi. Fadlan Iiraan ha duqeyso sida ugu dhaqsaha badan😂.
Dhacdadan ayaa sidoo kale iftiimisay sida baraha bulshada ay u noqon karaan meel ay dhalinyaradu ku muujiyaan caro ama daal waxbarasho, balse mararka qaar ay u gudbaan xad ka baxsan kaftan caadi ah.