07/06/2026
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sayid Aadan ayaa maanta magaalada Luuq kulan muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Luuq.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, wadajirka bulshada, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo sidii shacabka iyo dowladda ay uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta horumarka degmada.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isagoo ku boorriyay in la sii xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya shacabka iyo hay'adaha dowladda.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo haweenka degmada ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan baahiyaha bulshada, iyagoo dowladda Jubaland ka codsaday in la dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah socdaalka Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland uu ku joogo degmada Luuq, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda iyo bulshada, isla markaana lagu dhiirrigelinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.
Arimaha Gudaha Jubaland Warfaafinta Jubaland State House