18/06/2025
Maanta oo kale 18-ka Juun ee Sanaddii 2009 waxaa Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan lagu dilay Qarax ismiidaamin ahaa Kornayl Cumar Xaashi Aadan oo ahaa Wasiirkii h**e ee Amniga Qaran ee Dowladdii ku meel gaarka ah ahayd ee Shariif Sheekh Axmed ee uu Madaxwaynaha ka ahaa.
Sidoo kale, Kornayl Cumar Xaashi Aadan ayaa waxaa goobtaas kula dhintay Mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Safiirkii h**e ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya Danjire, Cabdi kariin Faarax Laqanyo iyo 70 ruux oo ka mid ah Wax-garadka reer Hiiraan ee Magaaladda Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Saraakiisha, Nabadoonadda iyo Abwaanadda Qaraxaas ku dhintay, ayaa waxaa ka mid ahaa, Kornayl Maxamed CAbdi Yarow Shanle, korneyl Maxamed Barre Fiidow, Korneyl Cumar Xasan Dhudi, Kornayl Yuusuf Xuseen Timacadde, Nabadoon Faarax Cabdulle Fiidow, Nabadoon Xasan Biriqow, Nabadoon Xasan Cilmi Hurre Dirir, Nabadoon Axmed Carrabey, Nabnadoon Cilmi Shire, Abwaan Maxamed Cabdi Cibaar,,Abwaan Cabdi dhuux Guure Cali, Ganacsade Buulle Xaashi Aadan iyo Eng. Cabdi fitax Cali Xaydar
Marxuumka Kornayl Cumar Xaashi Aadan, ayaa ahaa qof wadani ah geesi aan gamban oo hadal helid og, waxa uuna ifka kaga tagay Xaas iyo 42 caruur ah oo isugu jira wax uu dhalay iyo waxay sii dhaleen waqtigaas, waxaan illaaheey uga baryeynaa in uu u naxariisto Jannaddana ka waraabiyo dhammaantood.
Warbaahinta Hiiraan News Agency kala soco warar sugan oo Xaqiiqeysan, Wehel wareed ka dhigo mar walba si aad ula socoto wararka Soomaaliya iyo Caalamka.....