Hadid production

Hadid production Laso wax walba oo cusub

19/01/2026

Telefishinka dawladda Sacuudiga ee Al Ekhbariya, ayaa soo bandhigay muuqaallo muujinaya saldhigyo qarsoodi ah oo la sheegay inuu Imaaraadku ka hirgeliyay garoonka diyaaradaha Riyan ee koonfurta Dalka Yemen,halkaa oo ay isaga baxeen Imaaraadku, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay goobo cariiri ah oo dadka lagu xiri jiray iyo agabka laga sameeyo qaraxyo, balse warsaxaafadeed waxyar ka hor ka soo baxay wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ayaa lagu beeniyay inay saldhigyo ku lahaayeen garoonka, isla markaana aysan jirin wax agab qaraxyada laga sameeyo iyo hub ay uga tageen oo si dhammeystiran agabkoodii ugala baxeen Yemen.
Masud Farah

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka XDS Sareeye Ga...
19/01/2026

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka XDS Sareeye Gaas Odawa Yusuf Rage oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee Dooxa 2026, kaas oo si rasmi ah u daah-furay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.

Wasiir Fiqi Inta uu kusuganyahay dalka Qatar ayaa saxiixi doona heshiis iskaashi difaac oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.

Bandhigga Dooxa 2026, oo ka mid ah munaasabadaha caalamiga ah ee ugu waaweyn ee difaaca badda, ayaa lagu soo bandhigayaa teknoolojiyado casri ah iyo qalab milatari, waxaana ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga uu muujinayaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda ciidamada iyo ballaarinta iskaashiga difaac iyo amni ee caalamka.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska CXD iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.
Masud Farah

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh oo sharraxay sababtii ka dambeysay go’aamadii ay uga baxeen heshiisyadii dawladda...
13/01/2026

Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh oo sharraxay sababtii ka dambeysay go’aamadii ay uga baxeen heshiisyadii dawladda Imaaraadka Carabta, wuxuu yiri;

“Dawladda Imaaraadka Carabta , si niyad sami leh ayaan heshiisyada ula galnay, balse Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dawlad mid ah oo madax bannaan… ma aanan deg degin marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal , ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna , iyagoo ku kacaya arrimo aysan dawladda federaalka ka war heyn , kana dhex fulinayaan Soomaaliya gudaheeda, kuwaasoo xad gudub ku ah haybadda iyo qaranimada Soomaaliya, ka baaran-dagis dheer iyo qiimeyn kadib waxaa qasab noqotay inan qaadano go’aammadii shalay aan qaadanay oo lagu baabi’iyay heshiisyadii aan la galnay dawladda Imaaraadka

13/01/2026

Mid ka mid ah musharixiinta Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa la sheegay inuu usoo jeediyay Golaha in laga horyimaado go'aankii gunimo-diidka ahaa ee Dowladda Soomaaliya ka qaadatay fara-galinta Imaaraadka, laakiin ninkaas wali ma helin taageero ku filan in taladiisa la qaato.

Musharaxiinta Madasha Samatabixinta Mucaaradka ku jira labo xubnood waxay mushaar joogto ah ka qaataan Dowladda Imaaraadka, hal musharax wuxuu gacan saar la lee yahay Dowladda Sacuudiga, mid kale Axmed Madoobe ayuu rajo ka qaba oo ku seexiya inuu Imaaraadka ka iibin doono, halka musharaxa shanaad loo badin karo dhinaca Dowladda Qatar maadaama ay dhisayan xubno gacan saar laleh Dowladda Qatar.

Hadaba muxuu noqon kara mowqifka Madasha Samata-bixinta ee ku aaddan go'aankii gunimo-diidka ahaa ee Dowladda Soomaaliya?

Hadid production 

DEGDEG “ Mr Deni Hogaamiyaha Puntland” imaaraadka way nala joogi donaan K**ana bixi doonaan Puntland .Hassan waqtigiisa ...
13/01/2026

DEGDEG “ Mr Deni Hogaamiyaha Puntland” imaaraadka way nala joogi donaan K**ana bixi doonaan Puntland .

Hassan waqtigiisa ayaa dhamaaday hadalkiisana K**a shaqeyo halkan ayuu yiri sidee u aragtaa ?

Hadid production 

13/01/2026

Update Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dareenka waddaniyeed iyo wadajireed ee ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay mas’uuliyad weyn iska saareyso in wax kasta oo taabanayo nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sidaas ku qoray bartiisa Facebook, aad looma fahmin waxa uu ula jeedo, siyaabo badan ay...
13/01/2026

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sidaas ku qoray bartiisa Facebook, aad looma fahmin waxa uu ula jeedo, siyaabo badan ayaa loo fasiran karaa.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambe...
13/01/2026

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaadday ee ku aaddan difaaca wadajirka, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

12/01/2026

DEG DEG: Golaha wasiirada ee Dowladda Soomaaliya ayaa buriyay ama baabi'iyay dhamaan heshiisyadii Dowladda Imaaraadka Carabtu ku joogtay gudaha Soomaaliya.

Heshiisyada laga laabtay waxaa ku jira heshiisyada ay ku joogan Imaaraadku dekaddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo. Heshiisyadii amniga iyo kaabayaasha Dowladda ayaa sidoo kale laga laabtay.

Waxaa lagu eedeeyay iney ku xad-gudbeen una shaqeeyeen qaab dhaawac xooggan ku ah midnimada Soomaaliya.

Heshiis burintan waxaa ku xigi doonta in dalka laga eryo. Hadii ay deegaannada qaar sii joogan go'aankan kadib waxay noqon doonaan dal xoog ku joogga gudaha dal kale, taas oo si weyn uga soo horjeeda shuruucda Caalamiga ah.

Ila jooog

15/08/2025

Nin puntland ku eedeysan kufsi oo is difaacay

15/08/2025

Cabdimaalik muuse coldoon Cali Aadan Muumin

28/06/2024

Hadal kii uu ku hdalay professor jawaari sii Share garee

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252616005280

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hadid production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hadid production:

Share