08/04/2026
*BAAQ IYO GUBAABO: MASIIRKA KOONFUR GALBEED HA LOO CELIYO DADKEEDA*
*Ku socota:* Dhammaan shacabka sharafta leh ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Walaalayaal, waxaa la joogaa xilligii aan garawsan lahayn in masiirka iyo mustaqbalka deegaankeenu uu yahay mid inaga inagu xidhan. Ma aha wax la aqbali karo in dad aan u dhalan deegaanka, aqoonna u lahayn xididada dhaqan iyo baahiyaha dhabta ah ee dadka deegaanka, ay inoo meeriyaan talada iyo jihada aan u socono.
*Maxaa nala gudboon?*
Si loo helo Koonfur Galbeed dhisan, nabad ah, oo barwaaqo ah, waa in aan dib u hantino talada dowlad-goboleedka. Taladu waa inay ku soo laabataa gacanta:
* *Odayaasha Dhaqanka:* Oo ah tiirka nabadgelyada iyo hiddaha.
* *Culimada Soomaaliyeed:* Oo ah hagayaasha akhlaaqda iyo garsoorka suubban.
* *Aqoonyahanka:* Oo ah maskaxda qorsheynaysa horumarka iyo mustaqbalka fog.
* *Qaybaha Bulshada:* Sida dhallinyarada iyo haweenka oo ah xoogga iyo laf-dhabarta isbeddelka.
*Fariinteenu waa: "Talada Deegaanka, Dadka Deegaanka"*
Ma aqbalayno in naloo yeeriyo go’aamo aan ka turjumayn danta guud ee dadka reer Koonfur Galbeed. Waa inaan meel uga soo wada jeesannaa sidii loo xoojin lahaa midnimadeena, loona xaqiijin lahaa in maamulku noqdo mid u adeega shacabka, kana yimaada rabitaankooda dhabta ah.
> *"Gacmo is dhaafay guri ma dhisaan, talo aan adigu lahayna mustaqbal kuma siiso."*
*Koonfur Galbeed ha noolaato, ha isku duubnaato!*