15/05/2026
Tan iyo Sanadkii 2009, Waxaan Gobolka Nugaal ka baadi-goobayay Sinaan iyo Cadaalad, waxaan ka waayay isu-tanaazul & Midnimo.
Marka Bulsho wada dhalasho ka dhexeeysa sheedaa isaga qoslaan, is-tus iyo wacnaan aan jirin la is-tuso qalbiyadana la isaga buko ugu dambeyn caro alle ayaa haleesha...
Xasadka iyo quuri-waaga waa laga wacan-yahayee "Ciisoow is-daba-qabta" Abokor & Muuse waa kan asaagiina idiinka reebay siyaasada sare ee Puntland dibad-joog aad ka noqoteen.
Bal inta wada-tashi aad isugu noqotaan "Xeer Ciise Wax-qeybsi Siyaasadeed iyo kuraasta labada aqal si cadaalad aydan isaga caroon u maareeysaan" xilalka si xilkasnimo u qeyb-sada oo labada isim ee gobolka Nugaal guddiyo wax-garad iyo aqoon-yahano daacad ah oo la shaqeeysa sameeya..
Wadnihii Puntland, Caasimadii Puntland Deegaano dihin ah oo irmaan, dad iyo duunyo qiime leh ayaad Reer Puntland u tihiin Ee yaan la idiinku qoslin...
Waan Hubaa Siyaasad xumada haatan Gobolka Nugaal ka jirta iney ka dambeeyeen "Caloshood u shaqeystayaal ma naxayaal ah ee kuugu abtirsada..
Ciise Maxamuud inuu midoobo isku mabda' noqdo, han-sare yeesho aad iyo aad ayaa looga soo hor-jeedaa way ii muuqataa..
Jiho wanaagsan iyo quluub-mideysan ayaan alle ka baryaynaa..
Garmaal Somali Television
Amir Abdallah Adde