28/12/2023
Dagaalkii Ethiopia iyo Somaliya ee 1977kii dhacay Waxa ku nafwaayay 20kun ilaa 25kun oo Mujaahid.
somalida oo barigaas Tiradeedu yarayd waxay keentay in xadigaas dhimashada ah aad loo dareemo oo Qoys kasta oo somaliyeed ay si uun u saamayso, balse Dhib wayn umay arkaynin oo Dad xaqooga iyo sharaftooda difaacayaan ayay Isu arkayeen.
hadii maanta iyagoo iilka ku Jira ay maqli lahaayeen waaqica dhulkii ay sharaftiisa u dhinteen ka jira dareenkoodu siduu noqon lahaa.
waa sidan oo kale.
kawaran adigoo laba Xaasle ah hadii Xaaskii minyarada ahayd uu nin soo weerari lahaa kadib Adoo iyada difaacaya aad dhiman lahayd, 30 sano kadib Adigoo xabaasha ku jira laguu sheegi lahaa in Xaaskaagi minyarada ahayd uu qabo ninkii adiga ku dilay ayna u dhashay 5 Ciyaal ah oo magacyadoodu kala Yihiin galmudug,buntland,hilshabeele,K.galbeed,jubaland.
xaaskii labaadna Ay wali joogto Oo ayna waxba dhalin lana guursanin, balse la rabo in kii adiga ku dilay loo guuriyo si ay u dhasho sadex wiil oo la kala yidhaa Awdal state,Khaatumo iyo isaaqland.
warkaasi haduu xabaasha kuugu yimaado mxd dareemi lahayd.
labada xaas magacyadooda soo qor hadii aad fahamtay