06/09/2026
Dunidu sannadkan waxay wajahaysaa dhacdooyin Rabaani ah oo xooggan oo aadanaha uusan lahayn tabar uu ku xakameeyo. Maanta, foolkaanada Anak Krakatau ee dalka Indonesia ayaa mar kale labo mar qaraxday, iyadoo dambas badan hawada u dirtay, kaas oo gaaray meelo ka tirsan caasimadda Jakarta iyo galbeedka Indonesia
Qaraxa foolkaanada ayaa hakiyay duulimaadyo badan, waxaana la xiray dhowr garoon diyaaradeed, iyadoo in ka badan 170,000 oo rakaab ah ay saameeyeen dib-u-dhaca iyo baaqashada duulimaadyada.