13/12/2025
Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa si guul leh u soo gabagabaysay tababar shan (5) maalmood socday oo lagu xoojinayay aqoonta iyo xirfadaha Kormeerka iyo Qiimaynta (M&E). Tababarku wuxuu isu keenay ka-qaybgalayaal ka kala socday hay’adaha dawladda, ururrada bulshada rayidka ah, iyo jaamacadaha, si kor loogu qaado tayada dabagalka, qiimaynta, iyo natiijo-ku-saleynta barnaamijyada horumarineed.
Intii uu socday tababarku, ka-qaybgalayaashu waxay heleen tababarro wax-ku-ool ah oo ay bixinayeen khubaro M&E ah, kuwaas oo diiradda saarayay cabbirka natiijooyinka, isticmaalka xogta go’aan-qaadashada, iyo kor u qaadista hufnaanta fulinta mashaariicda. Ka-qaybgalayaashu waxay caddeeyeen in aqoonta ay heleen ay si toos ah u xoojin doonto wax-qabadkooda shaqo.
Xiritaanka tababarka, masuuliyiin ka socday UNDP, SOMES, Galayr Consultants iyo Wasaaradda ayaa bogaadiyay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay dhismaha nidaam M&E oo adag oo heer qaran ah. Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, ayaa xaqiijiyay in Waaxdu sii wadi doonto tababarro joogto ah si loo hubiyo in barnaamijyada horumarineed ay keenaan natiijooyin la taaban karo oo waara. UNDP in Somalia