21/09/2024
Mudda dheer kadib Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis ay Hay’addu la gashay Xarun heer gobol ah oo Afrika u qaabilsan khariidadeeynta arima badan oo la xiriira kheeyraadka iyo khataraha Musiibooyinka, xaruntan oo mageceeda loo soo gaabiyo RCMRD oo uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa waxaa dhinacooda heshiiska u saxiixay Agaasimeheeda Guud Dr. Emmanuel Nkurunziza.
😭😭⚽️
Xarunta RCMRD waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1975-tii, Soomaaliyana waxay ka mid ahayd shantii dal ee wax ka aasaasay, sidaa darteed, Heshiiskan ay maanta wada sixiixdeen labada dhinac wuxuu fure u noqonayaa dib u soo noqoshada karaamadii Soomaaliya ay ku lahayd saaxadda heer gobol iyo heer caalamiba.