04/10/2026
XOGTII U DANBEYSAY EE MEKELLE...
Ciidamada Nabadda ee Tigray (TPF) ee taageersan dawlada, kuwaas oo iyaga oo kaashanaya ciidamada ENDF shalay la wareegay Magaalada Mekelle ee xarunta deegaanka Tigray, ka dib markii ay baxeen maleeshiyaadka TPLF, ayaa hada waxay ikormeer ka bilaabeen waddooyinka magaalada Mekelle, iyagoo xusay in amniga sugayaan.
Dhinaca kale, Adeegyada taleefannada gacanta iyo internet-ka ee magaalada Mekelle oo hakad ku jiray muddo ku dhow 10 maalmood ayaa maanta dib loo soo celiyay. Dib-u-bilaabashada adeegyada isgaarsiinta ayaa suuragelisay in qoysas muddo ka badan toddobaad kala maqnaa ay dib u wada xiriiraan, isla markaana ay iska waraystaan xaaladda eheladooda.
Sidoo kale, idaacada Mekelle ee 104.4 FM ayaa la sheegay inay hadda gacanta ku hayaan Ciidanka Nabadda Tigray (TPF) iyadoo idaacaddu baahinayso farriimo loogu talagalay dejinta iyo xasilloonida shacabka magaalada.
✌️