10/16/2025
Ujeedada Nolosha: Libaaха iyo Deerada
Mararka qaar noloshu waxay ina tusaysaa casharro qoto dheer, xitaa marka ay yihiin wax sida orodka libaaxa iyo deerada.
Marka labadoodu ay isku tartamaan, badanaa deeradu ayaa guuleysata. Sababta? Ma aha in ay ka xoog badan tahay, balse waa sababtoo ah ujeedadeedu ka weyn tahay baahida libaaxa. Libaaxu wuxuu ordaa si uu cunto u helo, halka deeradu ay u ordo si ay u noolaato.
Farqigaas yar ayaa ka dhiga mid guuleysta iyo mid laga guuleysto. Nolosha dhabta ahna sidaas ayay tahay maaha cidda haysata awood ama fursad badan, balse cidda leh ujeeddo dhab ah, dhiirigelin iyo sabab adag oo aan la joojin karin.
Marka aad ku jirto orodkaaga nololeed, xasuuso: Ujeeddadu waa ka muhiimsan tahay baahida. Ciddii garata sababta ay u socoto, mar walba waxay ka horreyn doontaa cidda keliya rabta in ay wax hesho.